Deeq A. Posted June 25, 2019 Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan ee uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Waare xilkaasi diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in markii saddexaad uu ka badbaaday dil qorsheysan. Shir Jaraa’id uu xalay ku qabtay Baladweynhe ayuu ku sheegay in shalay la soo weeraray, isla markaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay soo weerareen si ay u dilaan balse uu dilkaasi ka badbaaday. Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku daray in dulmi cad lagu haayo Shacabka reer Hiiraan, isla markaana mas’uul uu ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xulufo uu wato sida uu hadalka u dhigay. Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in talada hiiraan las oo farageliyo,isla markaana laba sano iyo bar dhibaato lagu haayao Shacabka Reer Hiiraan. Hadalka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kusoo aadaya xilli Maanta la sheegay in Hoyga uu degan yahay ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,walow markii dambe xiisad ka dhalatay ay odayaasha Dhaqanka xaliyeen. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Waare-1.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites