Sign in to follow this  
Deeq A.

Inyar aan ka idhaahdo taariikh hore Maxamed Sidiiq Dhame Noqon Karta In Uu Xisbiga Kaga Soo Baxo

Recommended Posts

Deeq A.   

CAAWA AAN INYAR KA IDHAAHDO TAARIIKH HORE OO Maxamed Siddiiq Dhamme NOQON KARTA INUU XABSIGA KAGA SOO BAXO. MADAXWEYNAHA XASUUS U NOQON KARTA WAAYO SIYAASADEED USOO MAREY.

Bislilaahi Raxmaani Raxiim.

Dhacdadaan ka waramaya Waa 1996-1997. Madaxwyne Cigaal ayay kala fogaadeen siyaasadd ahaan Madaxweynaha maanta jooga muuse biixi cabdi. Ka dib Waxa dhacdey inuu dhowr jeer Muuse biixi ku weerarey saxafadda. Madaxweyne Cigaal.

Aakhirkii ragi Cigaal ku dhowaa ayaa ku yidhi Madaxweyne xidh muuse biixi. Hadalkiisa batey. Waana mucaradd calan-Cas oo Intaas dadkii buu kicinaya. Ka dib muuse biixi ayaa sidaa aan shekadan ku maqley ogaadey inuu Madaxwyne Cigaal rabo inuu xidho.

Ka dib markiiba Muuse biixi wuu fekerey waxu is yidhi tollow yaad maanta ku baxsan kartaa oo adna garab ku noqon kara oo Ina Cigaal ixtiraamaya.

Waxu Markii ogaadey saladiinta HY oo wagaas Ina Cigaal ey isfahmeen. Xukumadda cigaalna ey qaadatey siyaasadd ah in la soo dhoweeyo West Burco Clan siiba West Burco Clan, lagana soo doogey dagalaadii sokeeye. Dalkana laga bilaabey dib u heshisiin iyo dowladdnimo hana qaadda.

Waxa ka mid ahaa raga Markaas Ina Cigaal u dhego nuglaa ama ixtiraami jirey Suldaan Rashiid Cali Ducaale.

Suldaan rashiiid iyo Madaxweyne Muuse biixi waxey ahaayeen saxiibo isku class ah dugsigii “Camuud” balse Ina Cigaal Ma oga. Habeenadii uu is yidhi muuse Malaa ciidamadda ayaa lagu soo diri doona ama lagu yidhi waa lagu qabanaya

Ayuu caqli keeney, Isagoo watta. Jariiraddii ugu afka Dheereyd jariradaha warka Somaliland ee Tuur abdi shide aasaasey (journalka Jamhuuriya) ayuu ugu tagey gurigiisa Suldaan rashiid.

Waxu yidhi ninkii Ina Cigaal waad ogtahey in aanu kala miraneyno. Markaa xaalku waxu maraya sidaan xuraanka madaxtoyadda ku hayo in la ii xidho.

Waxaad ii sameysa Journalka ku qor, Ina Cigaal Ma ragi dalkan usoo halgamey buu xidhxidhaya. Mudane madaxweyne ka noqo hadi ey jirto Xadhigaas aad muuse bixi rabto inaad xidho kuwa kugula taliyeyna maaha niman raba wanaaga xukumadaadda qaranka taladoodu maaha mid waxtar uleh. Dalkuna maanta uma baahna siyaasiyiin la xidhxidho iyo isqabqabsi.

Ina cigaal subaxwalba waxu eegi jirey jariiradda jamhuuriya Laba sababood owgood. Mar waxey aheyd jariiradd mucarad ah oo aad u kulul. Marna Waxweyba aheyd xarunta ugu Warka badan dalka. Waliba dalka mey jirin Tv-Yaddan habeen walba la daawanaya!

Markuu arkey (CIWANKA UGU SAREYA) oo sawirkii Suldaan rashid iyo Muuse Biixi saaran yahey. Qoraalkiina akhriyey buu Ina Cigaal u yeedhey ragii lahaa xidh Muuse biiixi. Markaasu yidhi Waar Suldaan raashiid iyo Ina Biixi Maxaa isku keeney oo ka dhaxeeya.

Markaasa la yidhi Waa Saxiib MADAXWEYNE Waxeyna wadda ciyaari jireen ciyaarta (Xeegadda) isku class bey ahayeen iskuulkiii caaamudd. Intuu Ina Cigaal qosley buu yidhi. Ina biixi maalinba Meel buu igaga soo wareegaya. Mantana iga baxsey bal suldaanka igu yeedha…intuu qosley kkkkkk

Hadalkaas muuse waxu rabey inu Madaxwyne Cigaal tuso inuu abtiyadii HY ku leeyahey saxiibo. Cadaawaddna aaney u qabin dagaalkiina laga heshiiyey. Hadii Madaxweyne Cigaal lagu yidhi HY Ina biixi ma arki karto. Xadhigiisana wey ku farxayaan.

Inuu tuso suldaankii hogaaminayey ergaddii HY Bari ee uu danbeysey Wax hargeisa ka soo dega suldaanki Ugu tunka weyna inuu diidan yahey Xadhiga muuse Biixi. Waayo waqtigaas Waxa socdey Sidii goboladda bariga dowladdnimadda loo soo gaadhsiin lahaa.

Hargiesana Waxa ku sugnaa wufuud culus oo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu jirta. Waxaana Markaas ahaa wasiirka Madaxtoyadda Jama Salax oo isna ahaa nin sacad Yonis ah. Waxaana dalka aad looga dareemayey inuu Madaxwyne Cigaal mansabyo waaweyn siiyey HY. Waxuna rabey in la ilaabo dagaalkii sokeeye iyo waqtigii casru-jaahiligaa ahaa ee reer Somaliland soo mareen gaar ahaan (Reer-shixisixaaq)

Markaa Madaxweyne muuse waxu dareemayey cidda uu u marin karo hadalka ee la dhageysanayaa iney tahey Ina Cigaal abtiyaddii. Si uu uga badbaaddo Xadhiga Ina Cigaal la rabo. Rag Xafadiisa ahna u tirinayey iney Ina Cigaal ku yidhaadeen muuse xidh.

Hadaba Caawa Anna Waxaan leeyahey Madaxweyne xadhiga Siyaasiga ahi waxba Ma daweeyo. Mohamed sidiiq dhamena Waa nin Dhalinyaro ah oo siyaasi ah. Waxwalba uu qorey waxey ka aheyd aragtidiisa mucaaradnimo.

Xeer ilaaliyuhuna maanta eedaymahaa uu keeney maxkamadda Waa aflaagaaddo (Madaxweyne) iyo KICIN dadweyne oo ku saabsan xaaladii gobolka Sanaag ee xukumaddu ku dhawaaqddey (State of emergency) sidu uga hadley.

Markaa madaxweyne dadka Dastuurku waxu u fasaxey in eynu hadalka xor u nahey oo waxeynu qaadaney nidaamka dimuqraadiga ah ee in qof-waliba cabiri karo aragtidiisa siyaasadeed. Wallow eynu siyaabaha qaarkood meelaha qaar dastuurkeena khalad u fahaney.

Xeerarka Dastuurka qeexayaana aaney wali qarankeena u dhameystirneyn qodobadda qaar. Tafsiirka sharciga marba sidii la doono loo dhigo. Siiba hadba xukumadda joogta eynu ku dhaliilno Dastuur jabin.

Ragg badan oo adiga kula midka ahina maalintey mucaradka ahaayeen qodobo badan oo ey khalad u arkayeen ey wali jiraan. maantana xukumadaaddu iyo tii ka horeyseyba ee MADAXWEYNE Siilaanyo ku shaqeyneysey

Hadaan tusaale soo qaato sidda qodobkii loo adeegsaddey xukumaddii UDUB Xadhiga Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi iyo Jamal Ceydiid. Waxaad u arkeysey dulmi iyo cabudhin madaxweyne Riyaale waddey Malintaas. Kuna gefey sharciga dalka. Isna waxu u arkayey mucarad qaran dumis ah

Waxaan qabaa madaama siyaasigani ku xidhan Madaxweynaha ayaad aflagadeysey inaad xoriyadiisa usoo celiso.

Maxkamaddana ka codsato in aanu aflagadaadda u xidhneyn maanta laga bilaabo. Waayo waad cafikarta shaqsiyan haduu gefkaa galey, inkasto Aan Wali maxkamaddi ku caddeyn

Qodobka ah kicinta dadweynaha lagu daro. Nin mucaradd ah oo Waliba xisbi mucaradd ah ku jira oo hadana ah xubin mihiim ah oo xasaanadd siyaasadeed leh. Siduu u arkayey aragtidiisa inuu u cabiro iney la aheyd hadalkisu. Waxwalba uu Malintaas qorey ee kaga hadley Xaaladda gobolka Sanaag.

Waayo Waxaan qaba hadda wuu xidhnaa mudo. Walina maxkamaddu kiiskiisa kumey caddeyn danbi. Sidaas darteed Waxaad ku eegta maanta muwaadinka.

Indhaha aad ku eegi jirtey Hay’adda nabad galyadda Markey xidhi jireen siyaasiyiinti kulmiye Sidaad uga xumaan jirtey.

Ee aad u odhan jirtey Waa dulmi, Waa khaladd qofku fekerkisa wuu cabiri karaa. Waa nin siyaasi ah oo xisbiga kulmiye ka tirsan in la
Xidhaa Waa khaladd, Dimuqradiyaddey ka hor imaneysa.

Gebagebo:-

Waxaan ku soo gunaanadayaa Madaxweyne dadka Xadhiga Siyaasiga u xidhan oo dhan in xabsiyadda laga sii daaya waxey sharaf u tahey xukumadda aad hogaamineyso, Waxey sumadd u tahey dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxey muqaal dhaba u noqoneysa Somaliland iney ka jirto (freedom of speech).

Marka aaneynu ku dareyn AFLAGAADO qaawan ee shaqsiyadeed oo qof walba oo Muwaadina Aan xaqloogu laheyn in la Caayo ama uu wax Caayo. Qofku derejadda uu doono ha hayee ama ha noqdo qof shicib ahba.

Waxaan ku soo ururinayaa xukumadd Waliba dadka wey xidhi kartaa balse Xadhiga siyaasadda laguma gaadho horumar iyo guul
Qaranku ku waaro.

Dhaliisha mucaraddkuna waa DAWADDA xukumadda Markaas jirta. Dalkeenuna waxu Wax kunoqonayaa Marka laga dhex dareemo dareenka dimuqradiyadda oo ah xisbiyo mucaradd ah oo xukumadda toosinaya, dhaliilayaa, tilmaamayaa. Hadba waxii ka qaloocdda xukumadda

Hadii ey jirto in qaabka asxaabta mucaraddku wax u dhaliilayaan wax ka qaldan yihiiin. Waxaa dadku tilmaamayaa in mucaaraddnimaddii kulmiye ee xukumaddu UDUB qaabkaad u dhaliili jirteen aan Wali xukumaddaha kulmiye ee kala danbeeyey loo dhaliilin. Balse qaabab ka midda loo dhaliilo xukumadaadda. Taasna la qabo in la idinka bartey idinka ragiinii kulmiye hogaanka u ahaa.
Waqtiyadda aad aheydeen mucaraddka.

Hadaba Inta eynu koreyno oo baraneyno qaabka siyaasadeed ee asxaabta mucaaradka iyo xukumadda iyo xisbigeedda muxaafaddka ahi u wadda dhaqmaan. La isuna dhaliilo ama xukumaddu u dhageysato dhaliisheedda

Eynu ku dedaalno ineynu bulsho ahaan caqliga ka karno. Marwalba cidda dalka hogaamineysa dadka aaney ku cabudhin Xadhig.

Una arkin xukumaddu Wajiga qudha ey isku difaaci kartaa xadhig, la xidho muwaadiniinta kala duwan. Hadey tahey sarakiisha asxaabta qaranka iyo saxaafadda Madaxa-banaan.

Iga dhan Waxaan rajeynayaa inuu maqaalkeygani noqdo mid waxyaabo badan xasuusiya Madaxweynaha daruufaha uu soo marey, Maxabiista siyaasadda u xidhana u noqda fariin lagu xasuusto iney u bahan yihiin iney helaan xoriyadooddii shaqsiga aheyd ee Dastuurku u fasaxayo

Waa bilaahi towfiiq

Qalinkii
Ambassdor_Abdirizak_Diiinaar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this