Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Turkiga Oo Mar Kale Ku Guulaystay Doorashadii Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Istanbul)-Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul.

6B726563-70C4-4011-B90F-559963D39600_w10

Imamoglu oo ah 49 jir oo aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharraxi ka socday xisbiga talada haya ee AK sidoo kalana ah ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim oo isagu xalay qirtay in doorashada looga guuleystay.

Waa marki labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib marki ay guddiga doorashada diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March.

Sida ay muujineyso natiijada horhdaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this