Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo U Baroordiiqeysa Saraakiishii Lagaga Dilay Isku Daygii Afgembi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah si loo xuso madaxdii lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaas.

22793e15-7130-478c-aaa3-640fe5d3de6e.jpg

Habeenkii Sabtidii, madaxii ciidammada dalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen ayaa waxaa dilay ilaalihiisii gaarka ahaa xilli la doonayay la inqilaabo hoggaanka maamulka Amxaarada, waxaa uu doonayay inuu ka hortaggo afgembiga.

Waxaa dhacdadaas lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo saddex sarkaal oo kale.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this