Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga: Nin Soomaali Oo Lagu Sameeyey Qaliin Culus Oo Dib U Soo Celiyey Iftiinka Ishiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Cisbitaal ku yaalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa ku guuleystay inay qaliin casri ah ku sameeyeen Nin Soomaali ah oo mid ka mid ah Indhihiisa dhawaac ka soo gaadhay qarax bishii April ee sannadkan ka dhacay Muqdisho.

NIN-SOOMAALI-OO-QALIIN-INDHAHA-LOOGU-SAM

Abuukar Macallim Axmed oo 33-jir ah ayaa la sheegay in lagu soo sameeyo qaliin naadir ku ah gudaha Turkiga, oo horseeday inuu dib ugu soo noqdo inuu wax ku arko Ishii uu ka xanuunsanayay.

Qaliinkaasi waxaa iska kaashaday 4 dhakhtar oo Takhasusi ah, kuwaasi oo sheegay inuu qaliinkaasi ahaa mid aad u adkaa.

Dr. Kubilhan Elmas oo ka mdi ahaa Dhakhaatiirtii fulisay qaliinkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay inuu Dhibanaha ka dhaawacanaa Isha Midig, isla markaana ay dib-u-dayactireen qeybta Ishiisa ee ay waxyeelladu soo gaartay, wejiga hore iyo gudaha isha.

Dhakhtarka kale ee ka qeyb galay qaliinkaasi oo lagu magacaabo Dr. Volkan Hürmeriç waxa uu tilmaamay in qeybta cad ee ku hareeraysan Bu’da Isha lagu rakibay xuub macmal ah, kaasi oo isha ka taageeraya inay wax si fiican u aragto.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in qaliinka lagu sameeyey isha bukaankaasi tahay qaliin mar-la-arag ah oo dhif iyo naadir ku ah Caalamka.

Dhakhtarka waxa kale oo uu sheegay inay qaliinka maray 4 heer oo socotay muddo 3 saacadood , si ay u hagaajiyaan aragga ishiisa oo haatan aad u wanaagsan.
Waxa uu intaasi ku daray inuu aragiisa dib u soo laaban doono sida ugu dhaqsaha badan 100%.

Dhinaca kale, Abuukar Macallim Axmed oo ah aabe 5 carruur leh waxa uu Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay inuu ka walaacsanaa in aanu mar dambe wax arki doonin, una shaqeysan karin qoyskiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this