Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Guuleed oo ku dhawaaqay xisbi ka dhana Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dib ugu soo laabtay siyaasadda Soomaaliya kadib mudda uu kaga maqnaa xaalado caafimaadkiisa la xiriira.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu yagleelayo xisbi-siyaasadeed mucaarad ku ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo is-bahaysi adag la samaysan doona xisbiyada mucaraadka ah ee ka dhisan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay xisbiyada mucaaradka ku ah Villa Somalia” Waxaanu bogaadineynaa xoogagga isbadal doonka ah ee u taagan toosinta hanaanka dimoquraadiyadeed ee dalka iyo sareynta sharciga” ayuu yiri Guuleed.

Dhanka kale wuxuu baaq u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya” Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira”.

Hadalka Guuleed ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo uu ka sii daray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug halkaasi oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay doorasho madaxtinimo ka qabato.

Hoos ka eeg qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Guuleed

GUULEED.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Cabdikariin Guuleed oo ku dhawaaqay xisbi ka dhana Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this