Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadaloo u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo berri ka furmaya magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan hordhac u ah wada-hadallo dhex mari doona xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,ayaa sida qorshaysan maalinta berriya ka furmi doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Kulanka ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Sidoo kale, xukuumadda Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.

Dhanka Beesha Caalamka, ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), oo uu madaxdeeda kamid yahay wasiirkii hore ee Arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar.

PUNTLAND POST

The post Wada-hadaloo u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo berri ka furmaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this