Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox weerartay Al-Shabaab oo ka soo furatay maxaabiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online ) – Kooxda Macaawiisley ee ka daalanta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in Maxaabiis fara badan ay ka soo furatay Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay nawaaxiga magaalada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Horjooge ka tirsan Kooxda hubeysan ee Macaawiisley oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale horjoogahan ayaa tilmaamay in ay la wareegeen saldhigyo ciidan, islamarkaana ay sii daayeen dad shacab ah oo kor u dhaafayay 30 Qof oo u xirnaa Kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay ka dambeysay, kadib markii ay sii korortay cabasho uu tilmaamay in ka soo gaareyso dadka deegaanka.

Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay dagaal ay kula jirtaa Al-Shabaab.

Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this