Deeq A. Posted June 24, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan M/Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in uu la xariiro soo afjarida xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug. Ammaanka aya si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu warkayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Dhuusamareeb. Xaaladda Galmdug ayaa qasan, waxaana la filayaa in doorashada hoggaanka maamulkaasi la qabto afarka bisha July ee soo socota. View the full article Share this post Link to post Share on other sites