Deeq A. Posted June 24, 2019 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sida la sheegayo maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kadib markii kooxda Ahlu-sunna waljaamaca oo ka talisa magaaladaasi ay si hoose ula heshiisay Villa Somalia. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa isna shalay ka soo baxay Dhuusamareeb isagoo xalay ku hoyday tuulada Godinlabe oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Cadaado halkaasi oo uu xalay kaga dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna. Dhinaca kale magaalada Cadaado oo uu ku sii jeedo madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan wefdi ka socda xildhibaannada labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya si ay ula kulmaan Xaaf. Xildhibaannada la filayo in ay tegaan Cadaado ayaa waxa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa Saabir Nuur Shuuriye Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda degaaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Wufuud kala duwan oo ku wajahan Cadaado iyo Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites