Sign in to follow this  
Deeq A.

Beyle oo ka warbixiyay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu warramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay hormarada ay dowladdu muddooyinkii la soo dhaafay ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in guul la taaban karo Soomaaliya ay ka gaartay, islamarkaana uu jiro kobac iyo sibedal ballaaran oo ku yimid dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daraya in QM markii ay aragtay hunfnaanta ka jirta dhaqaalaha DFS ay ku abaal marisay lacag dhan 100 milyan oo doller.

Dhinaca kale mar ay Shabelle wax ka weydiisay warar la’isla dhexmarayay oo ku aadan in wasiirku guryo uu ka dhistay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan guryo u leeyahay, balse uu ku dhistay hantidiisa.

Beyle ayaa difiray in qaab masuq-maasuq ah ay wax ku soo galeen, waxaana uu tilmaamay in 30-kii sano ee la soo dhaafay uu ka soo shaqeynayay hay’ado kala duwan, kuna sameystay hantidaasi faraha badan.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinayo dhaqaalaha, sidoo kalena dib loogu habeynayo, taas oo ay si weyn ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this