Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Shaakir oo taageeray doorashada Villa Somalia ka qabanayso Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Villa Somalia ku raacay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qabto 4 bisha July ee soo socota.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Sheikh Shaakir oo tixraacaya war-saxaafadeedkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019 laguna qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Sheikh Shaakir ayaa dhammaan shacabka Galmudug ugu baaqay in ay taageeran doorashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Villa Somalia lagu saxiixay ee midaynta Galmudug.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle uu sheegay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiisay dalka Djibouti.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ogolaaday in doorashada Galmudug la qabto balse wuxuu sheegay in lagu qaban doono magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug.

SHAAKIR.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Sheikh Shaakir oo taageeray doorashada Villa Somalia ka qabanayso Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this