Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo isha ka daawanaya waxa ka socda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ka aamusan xaaladda ka soo cusboonaatay Galmudug oo haatan maraysa heer xasaasiya.

Jaah-wareerka ka taagan Galmudug ayaa ka sii daray maalmihii u dambeeyay iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay malaayiiin Dollar soo gelisay magaalada Dhuusamareeb si ay ula wareegto madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo kooxdiisa oo hore ula safnaa madaxweynaha Galmudug.

Hadalkaasi oo ay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa durbadiiba rumoobay kadib markii garabka Sheikh Shaakir ay ka hoos baxeen madaxweyne xaaf iyagoo si buuxda u taageeray Villa Somalia taasi oo keentay madaxweynaha Galmudug uu ka soo guuro magaalada Dhuusamareeb.

Mudane Xaaf ayaa isna xalay ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiixay dalka Djibouti waxaana uu ogolaaday in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug laakiin ay ka dhacdo magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay loo aqoonsan doono caasimadda ku meel-gaarka Galmudug.

Xaaf ayaa sidoo kale iskiis ugu dhawaaqay in uu dhammaaday khilaafkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug balse waxa go’aankaasi la qaadan waayay Villa Somalia oo shaacisay in doorashada Galmudug ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb.

Haddaba Puntland oo hore looga bartay in ay ka hadasho khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ka dhex taagan ayaa isha ka daawanaysa af-duubka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka waddo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa laftiisu dhowaan xiriirkii wada-shaqeynta u jaray  xukuumadda Soomaaliya inkastoo aan la aqoon mowqifka uu ka istaagi doono xaaladda Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Deni oo isha ka daawanaya waxa ka socda Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this