Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Wasiir Beyle oo qirtay inuu Guryo ka dhistay Muqdisho, Hargeysa iyo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Iyadoo muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu ka dhisanayo guryo fara badan gudaha iyo dibadda ayaa waxa arrintaasi markii ugu horreysay ka hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa qiray in jiraan guryo badan ee uu leeyahay iyo kuwa kale oo uu hadda dhisanayo.

Mr Beylea ayaa sheegay in markii uu ku soo laabtay dalka uu magaalada Muqdisho ka dhistay Guri cusub, si uu ugu noolaado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guri qurux badan oo uu dhisayay muddo 10 sano uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaana uu xusay in haatan la soo gabagabeeyay dhismaha gurigaasi.

Wasiirka Maaliyadda ayaa intaasi ku daray in guri kale oo weyn uu ku leeyahay dalka Mareykanka, gaaraan magaalada ay Soomaalida ay ku badan tahay ee Minneapolis.

Belye waxa uu iska fogeeyay in dhammaaan hantidaasi ay ku soo gashay qaab masuq-maasuq ah, balse waxaa uu xusay inuu shaqeystay 30 kii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana uu qabtay howlo kala duwan, kuna sameystay hantidaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah maamulka Maaliyadda oo loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Beyle.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this