Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal oo ku wajahan Cadaado iyo Xaaf oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaanno ka kala tirsan Golaha shacabka iyo aqalka sare iskamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa maanta tagaya magaaladaas.

Xildhibaannadan waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Axmed Bukhaari, Siciid Nuur Giriish, Saabir Nuur Shuuriye,C/Raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo kuwo kale.

Safarka Xildhibaannadan ayaa imanaya iyada oo xaalad siyaasadeed oo aad u kala aragti duwan ay ka taagantahay Galmudug.

Dowladda Federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in doorashada Galmudug la qabanayo 4ta July kana dhaceyso Dhuusamareeb, Xaaf oo go’aankaas horay u diiddanaa ayaa hadda oggolaaday waxaase uu sheegay in doorashada ka dhaceyso Cadaado.

Ahlu Sunna oo iyana war ka soo saartay go’aanka dowladda ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in doorashada ka dhacdo Dhuusamareeb oo ah xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Lama xaqiijin ujeedada rasmiga ah ee Xildhibaaanadaas labada aqal ka socda maanta u tagayaan Cadaado waxaase loo badinayaa in ay qeyb ka noqdaan xalka iyo dib u heshiisiinta dadka ku kala argtida duwan dhismaha Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this