Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ee lagu soo saxiixay waddanka Djibouti.

Madaxweynaha Galmudug ayaa  war-saxaafadeed uu soo saaray sidoo kale ku ogolaaday in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka iyo in wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ay Galmudug kala shaqeyso qabashada doorashadaasi  iyo in dib u-heshiisiin la sameeyo.

Waxaa kale oo uu war-saxaafadeedka ku xusay in doorashada ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo sida uu sheegay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug isagoo caddeeyay in uu dhammaaday khilaafkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug.

xaaf.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this