Deeq A. Posted June 24, 2019 Marka aan leeyahay qaramayn waa in kooxda dhagar qabayaasha ah ee Al-Shabaab loo oggolaado ku biritaanka hay’adaha aminga iyo helitaanka xogaha amni ee u degsan ciidamada qalabka sida iyo lamaha kale amniga. Ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab ma aha in ay gashanyihiin shaadhkii hore ee ay ku joogeen duurka balse waa kuwo gashtay shaati cusub kana diiwaan-gashan xaruumaha maamulka ciidamada, kuwaas oo ku soo gala hab is-dhibitaan kaas oo aan marin intiisa badan daba-gal iyo dhaadhitaan xaqiijineed oo dhammaystiran kaas oo caddaynaya in ay xubnahaasi ka tanaasuleen fikirkii xag-jirnimo ee ay amminsanaayeen. Hannaanka uugu adag ee ay maraan xubnaha isa soo dhiiba ayaa ah in ay helaan qof damiinta xilliga ay gelayaan laamaha amniga dawladda, taas oo ugu dambayn Al-Shabaab u sahla in ay si fudud u dhex-galaan halkay rabeen. Ma xuma in laamaha amingu adeegsadaan xubnaha isa soo dhiiba, iyaga oo ka raadinaya xogo iyo hannaanka wada shaqayneed ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dhibaato ah oo weliba halisteeda wadata in xubanaha laga raadinaayo xogta ay iyagu noqdaan kuwo xog gudbiya, waayo hannaanka xog raadinta ayaa ka dhigaysa xubnahaas in ay iyagu noqdaan kuwo jiheeya ama qorsheeya hannaanka dagaal ama sirdoon ee loo wajahaayo Al-Shabaab, waana arrin aan hubo in ay tahay dhabar-jabka uugu weeyn ee soo wajaha laamaha amniga. Wakhtiyada qaybood waxaa dhacda in shakhsiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab ay noqdaan kuwo si toos ah u fuliya hawl-galka, marmarka qaybtoodna waxa ay kala soocaan oo kala saaraan ragga lugu tuhunsanyahay Al-Shabaab iyo weliba kuwii hore uuga tirsanaa. Kala saarista kooxdani ay kala saarayso dhagar-qabayaasha ayaa marmarka qaybteed waxa dhacda in ay hareer maraan oo ay fasaxan rag ka tirsan Al-Shabaab. Maxaa dawladda kala gudboon xubnaha isa soo dhiiba ee Al-Shabaab? Dawladdu waa in ay samaysaa hannaan cusub kaas oo meesha ka saaraya habka aan xadka iyo sharciga lahayn ee xubnaha isa soo dhiiba ay uugu biirayaan lamaha muhiimka ah ee amniga. Xogta laga raadinaayo xubnaha Al-Shabaab waa in laga raadiyaa iyaga oo ku sugan meelo loo diyaariyaya, meelahaas o ka baxsan ama ay ku adagtahay helitaanka xogaha hannaanka amniga waddanka. Ma habboonna qof fikir xag-jirnimo aamminsanaa in lugu kalsoonaado markii u Qof dammiinto isla markaasna loo oggolaado dhex-galista hannaan uu markii hore dullaan ku ahaa, fikirka xag-jirnimada ee uu qofku amminaa ma aha wax sahlan oo lugu kalsoonnaankaro kolkii uu qof dammaanad qaado qof xag-jir ahaa, waa qorshe u bahaan dabar-gooyn iyo dhaqan-celin muddo qaadata, waana arrin aysan sahlanayn in si fudud qofkaas loo dhex geeyo meelaha muhiimka ah. Faafinta shaqaalaha hay’adda sirdoonka Si tuhunka iyo fallalka argagixisnimo shakhsiyaadka ku jira looga war helo ama loola socdo waa in shaaqalaha nabad-sugidda lugu dhex faafiyaa goobaha shaqooyinka dowladda iyo meel kasta oo xaruun dawladdeed ah, Si loola socdo dhaqdhaaqaaqyada kooxaha dulmi-wadayaasha ah ee ku dhex jira dalwadda kuwaas oo hore isu dhiibay ama fikirkaas uu ku dhex-abuurmay intii ay shaqaynayeen oo ka tirsanaayeen laamaha dawladda. Awood siinta madaxda hay’adda sirdoonka NISA. Waa in awood buuxda la siiyaa saraakiisha hay’adda sirdoonka, go’aannada uugu dambaynta ahna waa in ay gaadhaan iyagu. Marka aan leeyahay awood-siinta waa in madaxda aan go’aankooda lugu burburin dammaanad qof magac leh uu dalbaday iyo mid ka tirsan dawladdaba, waa in go’aankoodu noqdaa midka uugu dambeeya, loona oggolaada in ciqaabta mariyaan cidkasta oo ay ku caddaato fallalka dembi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Cumar Rodol Hyderabad, india Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites