Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali oo ku baaqay in la gubo wiilkii calanka Somalia ku xirtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey madal dhalinyaro oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in dowladda Farmaajo iyo Somaliland ay isku haystaan inay xaq u leedahay inay go’do.

Guddoomiye Faysal ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya oo bishii hore lagu xiray magaalada Hargeysa, kaasi oo uu sheegay inay aheyd in la gubo markii Ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabayen.

Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada reer Somaliland loo soo adeegsado inay wiiqan qadiyadooda, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri:

“Waxaa nasiib darro ah maanta Cadowga Somaliland uu target-gareeyay dhalinyarada Somaliland, waxa la isku hayo garan maysan, waxa la isku hayaa waa Somaliland gobonimadeeda ma haysan kartaa oo xaq ma u leedahay inay go’do oo wadankeedi wadato”.

“Markaa waxa weyi dhalinyarta Somaliland waa in aad iska celisan dhalinyarta dalkeena khal-khalka galinaysa, maalin dhoweyto waxad tiraahden Ninba calan Soomaliya xidhay, wuxuu la mid ahaa Nin calankii Naasiga ahaa ku dhex xiran Isra’iil, ma noolaan lahaa, wan arkayo Booliska baa loogu yeeray, waxay aheyd inay meesha ku gubaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaynu noqoney dad biidho (laaluush) qaatayaal ah, anigey igu yiraahdan Faysal lacag buu qaata, haddan qaato miyaan ka qaato Farmaajo. Xukunkii dhamaa dadkii lahaa ee u badnaa dibaday ka joogan, wax qaylinaya ma maqasheen, maalin dhoweyto waxan idin sheegaya nin wata mooto bajaaj uu Askari madaxa ka toogtay, shan iyo toban baa lagu dilay meesha la yiraahdo Baydhabo, waa Farmaajo”.

“Maanta haduu ka dhaco meesha (xilka) magaalo uu uhoydo oo wadanka gudihiisa maleh, ma jirto magaalo uu Farmaajo ku abtirsado, waa tuulooyin, markaasu doonaya in uu adiga ku baabiyo oo wax ka sheego, markaasu intuu lacag ku siiyo ku leeyahay Somaliland soo cay.”

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this