Deeq A. Posted June 23, 2019 Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku sugan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula leeyahay qaar ka mid ah waxgaradka degaanka. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Kulamadaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Waxgarad ka yimid Magaalada Cadaado oo lagu waddaa in uu gaaro maalinta Berri ah. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waxgaradka degaanka iyo maamulka Galmudug, islamarkaana laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa in ay Cadaado ku shaqeeyaan hoggaanka Galmudug. Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu gaari doono ilaa iyo Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uusan ku laaban doonin Magaalada Dhuusamareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites