Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee caawa ku sugan yahay madaxweyne Xaaf?

Recommended Posts

Deeq A.   

Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku sugan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula leeyahay qaar ka mid ah waxgaradka degaanka.

Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya.

Kulamadaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Waxgarad ka yimid Magaalada Cadaado  oo lagu waddaa in uu gaaro maalinta Berri ah.

Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo.

Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waxgaradka degaanka iyo maamulka Galmudug, islamarkaana laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa in ay Cadaado ku shaqeeyaan hoggaanka Galmudug.

Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu gaari doono ilaa iyo Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uusan ku laaban doonin Magaalada Dhuusamareeb.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this