Sign in to follow this  
Deeq A.

“Nin Suxufi Ah Oo Berbera Deganaa Ayaa Diinta Kiristaanka Faafinayey…” Golaha Guurtida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Nin Suxufi ahi uu Diinta Kiristaanka ku faafinayey Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Guddiga Arrimaha Bulshada oo dhawaan kormeer ku soo maray deegaanno ka mid ah Gobollada galbeedka Somaliland, ayaa sheegay in Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil uu u sheegay in Nin Suxufi ahi uu Baybalka Kiristaanka uu Af-Soomaali ku Tarjumay isla-markaana ku fidiyey Berbera, taasina ka mid tahay dhibaatooyinka looga warramay ee yaalla Magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaad arrimaha Bulshada oo War-bixin la xidhiidha Safarkoodii Gobollada Galbeedka siiyey Golaha Guurtida Maanta wuxuu yidhi “Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil, wuxuu noo sheegay in Nin Suxufi ah oo Berbera deganaa uu fidinayey Diinta Kiristaanka, Kitaabka Baybalkana uu Af-Soomaali ku daabacay, waanu na hor keenay..”

Guddoomiyaha Guddi-hoosaad Arrimaha Bulshada Xildhibaan Jirde ma sheegin jinsiyadda Suxufiga faafinayey Diinta Kiristaanka, laakiin wuxuu sheegay in isu-duwaha Wasaaradda Awqaaftu cabasho ka muujiyey Dadka Gobollada kale ka yimaadda ee Dal-xiiska ku taga Berbera.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this