Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Galmudug iyo Xaaf waa isaga baxeen Dhuusomareeb kadib markii uu isku qarxiyey Sabriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaasna kasoo horjeedo aragtida Dowladda ay ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay ka bixitaanka Xaaf ee Magaalada Dhuusamareeb.

Fiqi ayaa sheegay in bixitaanka Xaaf uu ka dhigan yahay in Dhuusamareeb ay isaga baxeyn Xaaf iyo Maamulkii Galmudug.

Fiqi ayaa weerar uu ku qaaday Sabriye ku sheegay inuu la mid yahay Baabuurta is qarxiso oo ay Al-Shabaab marka hore ku furtaan weerarada ay ku qaadaan Hotelada iyo Xarumaha Dowladda.

Wuxuu sheegay inuu Sabriye albaabka u furayey Kheyre si uu imaado Dhuusamareeb.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook

Magaalada Dh. Mareeb madaxweyne Xaaf iyo Galmudug-ba waa ka wada baxeen, waxaana isugu haray labada kooxood ee Villa Somalia iyo ASWJ.

Wasiir sabriye iyo wafdigiisu kama duwanayn baabuurka walxaha qarxa lagu soo rakibo oo albaabka hore ee goobta la weerarayo lagu furto, ka dib Kooxo qamaam oo hubaysan ay goobta soo galaan sida safarka Khayre ee la sheegayo inuu halkaas ku tagi doono..

Wadahadalka labadaas kooxood kama dhigna mid GALMUDUG arrimaheeda khuseeya.

Dadka deggan Dh. Mareeb iyo agagaagarkeedu waxay muujiyeen gobnimo mudadii shirqoolka abaabulan uu socday, waxayna madaxweynaha u muujiyeen hiil iyo garab-istaag.

Screen-Shot-2019-06-23-at-9.56.10-AM.png

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this