Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo Ka Guurey Dhuusamareeb, Halkee Ku Sii-jeedaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ku baxay dhulka dhankaas iyo Cadaado iyada oo ay galbinayaan gawaari gaashaaman.

Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa horay Goobjoog News ugu sheegay in madaxweynaha laga yaabo inuu dego Galkacyo.

Xaaf ayaa cadaadis kala kulmay dowladda federaalka ah, oo xiriir soke la sameysay kooxda Ahlus-unna oo ku awood badan magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this