Deeq A. Posted June 23, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf oo goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka ayaa hadda gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites