Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweyne Xaaf oo isaga baxay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulkaas.

Xaaf oo aan ku qanacsaneyn wadahadalada u socdo Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa maalmihii dambe lagu celinayey Dhuusamareeb si uu qeyb uga noqdo wadahadlaka balse Xaaf ayaa arrintaas ka biyo diiday.

Madaxweyne Xaaf ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas isaga baxay, waxaana jidka kusii sugayo Ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad.

Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Xaaf saldhigan doono Magaalada Cadaado.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inuu aadi doono Gaalkacyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this