Deeq A. Posted June 23, 2019 Dhuusamareeb (SMN) -Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug weli ka socda kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo khilaafka maamulkaasi. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garwadeen ka ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Sabriye Maxamed. Illaa iyo hadda ma jirto natiijio rasmi ah oo ka soo baxday shirarkaasi, balse waxaa jira dadaallo lagu bixinayo, sidii xal looga gaari lahaa khilaafyada jira. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xaaf uu ka biyo diidan tahay kulamadaasi oo la soo warinayo illaa iyo hadda inuusan ka qeyb galin. Khilaafka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kadib markii dhawaan DFS ay ku dhawaaqday in doorashada maamulkaasi la qaban doono bisha July ee soo socota. View the full article Share this post Link to post Share on other sites