Deeq A. Posted June 23, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Illaa shan qof oo ka mid ah raggii ka dambeeyay dil wadareed dhawaan ka dhacay Koofurta Gaalkacyo ayaa maanta lagu xiray magaaladaasi. Xarigan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Xildhibaano ka tirsan BFS kulamo looga hadlayay dhacdadaasi ay la qaateen waxgaradka deegaanka. Ragga wax dilay oo gaarayay 11 qof, ayaa mid waxa uu ahaa askari ka tirsanaa Booliiska Galmudug oo horay loo xiray, halka 10 kale oo ka tirsanaa xoogga dalka maanta lagu guuleystay in la xiro 5 ka mid ah, welina waxaa maqan 5 kale. Todobaadkii hore ayey aheyd markii 13 qof oo rayid ahaa si arxan darro ahaa loogu toogtay gudaha Gaalkacyo, waxaana dhacdadaasi si weyn u cambaareysay dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites