Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo la wareegay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidamada dowladda maanta ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay.

Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, inta laga saarayo deegaanada maamulkaasi.

“Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda koonfurta iyo barta aha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this