Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhawaaqday go’aan farxad galiyay shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ku dhaawaqday go’aan farxad galiyay shacabka Muqdisho, waxaana uu sheegay in wasaaraddiisu ay wato qorshe wax looga bedalayo ammaanka Muqdisho.

Wasiir Ducaale ayaa tilmaamay in la yareyn doono xirnaashaha waddooyinka Caasimadda, islamarkaana ay dowladdu furi doonto inta badan jidadka xiran.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi raaciyay in dowladda federaalka ay la imaan doonto qalab casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga dalka.

“Waxaan ballan-qaadayaa Jidadka inaan qafiifin doonno,Meelaha xiran waa Jid Caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geynkaro Marka qalab Casri ah ayaana keeneynaa oo Amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan”ayuu yiri Wasiir Islow.

Dhinaca kale Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka dowladda, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.

Inta badan waddooyinka waa weyn ee Caasimadda ayaa kala xiran, waxaana ka jira wax loo yaqaano Kala Wareeg.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sidoo kale ku sugan koontaroollo gaar ah oo laga sugo amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this