Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaarada Maraykanka Ee Addis Ababa Oo Digniin Soo Saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Safaarada dalka Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa soo saartay digniin ku saabsan xaalada magaalada Addis Ababa oo ay tilmaantay in rasaas laga maqlayo kadib markii xalay lagu dilay magaaladaasi taliyihii ciidamada qalabka sida ee dalka Ethiopia, Seare Mekonnen.

00ecad56-1fbf-44e3-bda0-c06e01f288f6

Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale uga digtay in shaqaalaheeda Addis Ababa aanay dibada usoo bixin oo ay guryaha iyo xafiisyadooda joogaan, waxaanay tilmaameen inay ka warqabaan rasaaska ka dhacaysa magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa iyaduna ugu baaqday in aan la samayn isku soo baxyo dad farabadan isugu yimaadan, munaasibado iyo in lala socdo warbaahinta gudaha markasta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this