Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Isku Day Afgambi Oo Ka Dhacay Gobolka Amxaarada Ee Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Bahar Dar)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Isku day afgambi oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya, kaddib markii ay Ciidamo Hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaas.

Rasaas ayaa laga maqlay magaalada Bahar Dar, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada iyo Kooxo Hubeysan oo waday afgambiga.

Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Negusu Tilahun ayaa u sheegay Telefishinka Qaranka in isku day afgambi guuldareystay uu ka dhacay magaalada Bahar Dar.

Waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay afgambiga, inkastoo aanay weli caddeyn cida ka dmabeysa, mana jirin koox sheegatay isku dayga afgambiga.

Dad kala duwan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rasaas culus laga maqlay saacado magaalada Bahar Dar, xaaladana waxay aheyd mid kacsan oo aan kala cadeyn sida wax u socdeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu dhaawac ku soo gaadhay rasaasta, halka warar kalena sheegayaan in dhaawacu u dhintay, weli wararkaas ma cada, waxaana baraha Twitter-ka lagu qoray in Taliyaha uu geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmayay caqabado kaga imaanaya siyaasadda gudaha ee dalkaas, gaar ahaan nidaamkii hore talada u hayay ee TPLF.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this