Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaan muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in howlgallo iyo dhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa howlgalkii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Deegaankan oo muddo ay ka talinayeen Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo abaabuli jireen inta badan weerarada ay fuliyaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay.

Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

“Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyaya howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya, waxaana shalay Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this