Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirwac “Go’doon ayuu ku jiraa Xaaf, waana soo furan doonaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’doon uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynuhu u go’doonsan yahay dad uu ku sheegay in ay ballantii uga baxeen, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Snna Waljamaaca.

Waxa kale uu tilmaamay in aysan nabad aheyn Dhuusamareeb, islamarkaana ay xoog ku soo furan doonaan Madaxweyne Xaaf.

Shirwac oo hoggaaminayo ciidamo haatan ku sugan duleedka Dhuusamareeb ayaa xusay in ay awood u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaalada, islamarkaana ay soo badbaadiyaan Madaxweynahooda, sida uu hadaka u dhigay.

Jahwareer iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Galmudug, taas oo ka dhalatay  doorashada maamulkaasi oo ay dowladdu sheegtay in la qaban doono bisha July ee soo socota.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in kulamo isdaba joog ay weli ka socdaan halkaasi.

Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka jira, inkastoo weli uusan ka qeyb galin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Shirwac.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this