Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

owhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka degmada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa Tuulooyin galbeedka ka xiga magaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xiisadani ay salka ku heyso arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle  oo ku aadan xiisadaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelo wada daga deegaanada gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this