Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo faah faahisay heshiisyo ay la gashay shirkado Shidaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa ka warbixiyay heshiisyo xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Shidaalka.

Ugu horreyn wasiir Hilaal ayaa beeniyay in heshiisyada la galay ay qeexayaan in la sameeyo sahmin cusub iyo soo saarida xermooyin Shidaal.

Wasiir ku xigeenka W/ macdanta iyo batroolka ayaa tilmaamay in hehsiisyadan kaliya ay ku aadan yihiin dhameystirka heshiisyo AY horay u gashay dowladdiI dhexe ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay XFS ay heshiisyo dhinaca shidaalka ay la saxiixatay labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Mareykanka iyo Holand.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this