Deeq A. Posted June 23, 2019 Muqdisho (SMN) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan (Xaad) oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan deegaanada maamulka Galmudug. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo dadallada nabadeed ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in si deg deg ah xal looga gaaro arrimahaasi, si loo badbaadiyo maamulka iyo shacabka Galmudug. DFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kulamo xal loogu raadinaya Galmudug haatan ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites