Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in 13 askari ay ku dishay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online ) – War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro iyo qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa bogagooda ku baahiyay in weerarka koowaad uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolkaasi.

Qoraalkan ayey ku sheegeen in halkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed, kuna dhaawaceen 7 kale.

Askarta geeriyootay oo la socotay gaari Cabdi Bile ah ayey tilmaameen in uu ku jiray taliyihii ciidamada deegaanka Daynuunaay oo ay magaciisa ku soo koobeen Axmed Dheere.

Dhinaca kale weerararka labaad oo jidgal ahaa ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaha ee gobolka Baay, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in ay ku dileen illaa saddex askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamuka Baydhabo oo ku aadan weeraradaasi.

Inta badan Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this