Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
sixitaanka-1.jpg?w=1000&ssl=1Qaar kamid ah macallimiinta saxaya imtixaanka

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay  bilowday sixitaanka imtixaanaadka Shahaadiga ee fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland.

Sixidda Imtixaanka Form Four-ka ayaa loo xilsaaray ilaa 194 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland, iyadoo macallimiinta lagu soo xulay aqoontooda iyo qibraddooda sida ay sheegtay wasaaradda.

Madaxa Qiimeynta iyo Shahaadooyinka ee xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka,islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka, isagoo sheeciyay in bisha July ee soo socota dhexdeeda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijada imtixaanka fasalka 4 aad ee dugsiyada sare.

Caynsane ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaanka Form Four-ka ay Sannadkan saxayaan ilaa 194 macallimiin ah oo ka kooban 150 saxayaal ah, 32 kormeerayaal ah iyo 12 hubiyaal ah.

Dhinaca kale sixidda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe ayaan weli bilaamin, iyadoo la filayo in wasaaraddu bilowdo kadib marka la shaaciyo natiijada Form Four-ka

PUNTLAND POST

The post Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this