Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo is wada-casilaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC) ayaa qorshaynaya in ay dhammaantood is wada-casilaaan sida ay ilo’ xog-ogaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post.

Guddiga ayaa shalay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni balse ma jirin wax wax natiijo kulankaasi ka soo baxay oo warbaahinta lala wadaagay marka laga reebo wararka hoose ee sheegaya in haatan guddigu ay doonayaan in ay is wada-casilaan.

Lama oga weli sababta rasmigaa ee keentay in ay is casilaan guddiga iyadoo dhowaan xukuumadda Puntland sheegtay in la dardar gelinayo  nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland islamarkaana degmoooyin ka tirsanPuntland si tijaabo ah looga qaban doono doorashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu soo magacaabo guddi cusub oo hawsha meeshii ka sii wada kadib markii ay is casilaan guddiga.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo is wada-casilaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this