Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan Oo Sheegtay Inay Ka Jawaabi Doonto Weerar Kasta Oo Kaga Yimaada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowlada Iiraan ayaa balan-qaaday inay ka jawaabi doonto weerar kasta oo kaga yimaada dowlada Mareykanka, kadib digniin kaga timid Donald Trump.

1561224073703c3.jpg

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Iiraan Abbas Mousavi ayaa sheegay in ayna aqbali doonin wax waliba oo xad gudub ku ah Qaranimadooda.

Xiisadda u dhaxeysa Tehraan iyo Washington ayaa cirka isku shareertay kadib markii Mareykanka laga soo riday diyaarad Drone ah oo dul heehaabeysan xeebaha Iiraan.

Mousavi ayaa ugu dambeyn sheegay in ayna ogolaan doonin in lagu soo xad gudbo dhulka Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this