Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Kulan Galkacyo Ku Dhexmaray Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Ah iyo Bulshada Galkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigii xildhibaanada ahaa ee gaaray magaalada Gaalkacyo maalinimadii Jimcada, ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kulanka ayaa ugu horeyn la isku warsaday u jeedada wafdiga iyo guud ahaan xaalada iyo sida looga xun yahay wixii ka dhacay Gaalkacyo, oo imaashaha wafdiga uu salka ku haayo xal ka gaarista arritaas.

kulanka oo labo waji lahaa ayaa xildhibaanadu midka hore  waxa ay la qaateen  odayaasha dhaqanka, ayagoo si guud ugala hadlay wixii dhacay, kulanka kale ayaa waxaa wada qaatay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka maleeshiyadii dhibka geystay.

Wafdiga xildhibaanada  labada aqal ee Baarlamaanka ka socda ee Gaalkacyo ku sugan ayaa hor udhac waxa  u ah wafdi  kale oo magaalada ku soo wajahan,  si xal looga gaaro dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada ee dadka rayidka ah lagu laayay.

Magaalada Gaalkacyo sidoo kale waxaa la filayaa in ay gaaraan wafdi xildhibaano xaqiiqo raadin ah, kuwaas oo dhawaan uu magacaabay gudoonka golaha shacabka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this