Deeq A. Posted June 22, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaaseyn maanta ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo nabad sugid ah iyo kooxo maleeshiyaad ah oo ku sugnaa magaaladaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo Galmudug oo ku aadan shaqaaqadaasi. Maalmihii dambe waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida dagaallo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites