Deeq A. Posted June 22, 2019 Gaalkacyo (Caasimada Online) -Warar aan hadda helnay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qaraxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda Soomaaliya. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo muddo dhowr daqiiqado ah ka socday halkaasi. Illaa saddex Askari oo labo ka mid ah ay ahayeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo hal askari oo ka mid ahaa daraawiishta Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen sarkaal ka tirsan Ciidamada Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda. Sarkaalka ayaa isku dayay in uu xoog ku maro waddo u xirneyd ciidamadaasi, kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo maamulka magaalada ka soo baxay, kuna aadan shaqaaqadaasi. Ammaanka magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay illaa 13 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo toogasho lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites