Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraakiib Raashin Iyo Bagaash U Siday Berbera Oo Dib Ula Goostay Xamuulkii Iyo Sicir barar Hor Leh Oo Laga Cabsi Qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbera,(Qaran news)-8 Markab oo sida raashin iyo bagaash ganacsi oo faro badan oo ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah iyo kuwo Itoobiya u socdayba ayaa dekada dekada Berbera dib uga laabtay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag ay ku sheegeen xad dhaaf oo lagu soo rogay markab kasta oo ku soo xidhanaaya dekada Berbera.

Maraakiibtani qaar dekada markii ay ku soo xidheen dib ayay uga laabteen dekada markii ay diideen lacagta lagu soo rogay ee la kowsatay xukumadda Muuse Biixi xaga kuwo kalana badweynta dib uga laabteen

Hadaba shirkaddani lacagta guranaysa ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization, waxna ay lacgtaasi ku dhacaysaa dalka Jabuuti, waxna dalka Jabuuti lagala soconayaa dhaq dhaqaaqa dekada Berbera iyo markab kasta oo soo galaaya ama ka baxaaya.

Sida ay doonto ha ahaatee, waxa maraakiibtani joojisay imaatinka Berbera ee maceeshadii iyo bagaashkii dalka galaayay dib ula laabtay ay soo kordhin doontaa sicir barar iyo nolosha oo ku qaali garawda dadka danyarta ah iyo masaakiinta oo hadaba la daalaa dhacaaya sicir barar iyo gaajo.

Dhanka kalana ilaa hada lama garanaayo cidani uu Muuse Biixi ku naas’nuujinaayo mashruucani dhiig miiratada ah.

Mid ka mid ah shirkadaha maraakiibta ah ee la laabtay alaabtii rarka ahaa ee ay sideen ayaa sheegay in ay ku badanyahay lacagtaasi lagu soo rogay, waxana ay Xuseen hadii 5 boqol oo doolar la na odhan lahaa macquul ayay ahaan lahayd.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this