Deeq A. Posted June 22, 2019 Marka (SMN) – Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay Al Shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidanka Danab ayaa hadda howlgallo baaritaanno ah kawada gudaha deegaanka Ceel-saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka Waqooye 20-KM kaga beegan magaalada Marka ee xarunta gbolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan kua xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka marka ay tageen halkaasi. Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah AlShabaab oo weli maamula deegaano hoostaga gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites