Deeq A. Posted June 22, 2019 Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen nawaaxiga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal socday dhowr saacadood oo u dhexeeyay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Saldhigga la wareeray ayaa ku yaallay deegaanka Yombis oo u dhow magaalada Garissa ee dhulka NFD. Al Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi waxa ay sheegeen in dagaal ay kula wareegeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahayeen halkaasi, islamarkaana ay ku soo furteen saanad Milatari, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay dab qabadsiiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd deegaanka Yombis, kadib markii ciidamadii ilaalada ka ahaa ay goobta ka baxsadeen. Dhanka kale taliska Ciidanka Booliska Kenya ayaa hadlay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Afhayeenka Booliska dalkaasi Charles Owino ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday ciidankooda, islamarkaana ay dileen illaa saddex ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites