Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Racfaanka Puntland oo go’aan ka gaareysa Kiiska Caa’isho Yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Maxkamada racfaanka gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in maanta ay dhageysato dacwadda illaa 3 eedeysane oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Raggan oo ay horay dil ugu soo xukuntay maxkamada darajada koowaad ee Garowe ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Qareenada difaacayay eedeysanayaashan ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukunkaasi.

Lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto.

Kiiska Caa’isho Yar ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo si weyn uga xumaatay bulshada Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this