Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho Xooggan Oo Ka Dhalatay Xildhibaan Ka Tirsan Dowlada Ruushka Oo Booqasho Ku Tagay Georgia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Georgia)-Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada caasimada u ah dalka Georgia waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 200 oo qof sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha Caafimaadka.

15611390328cf74.jpg

Dibadbaxa ayaa yimid kadib markii ay shacabka ka cadhoodeen booqasho uu xarunta baarlamaanka ku tagay xildhibaan ka tirsan dowlada Ruushka.

Ciidanka ka hortaga rabshadaha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro waxaana xabsiga dhigeen dhowr qof.

Sergey Gavrilov oo u dhashay Ruushka ayaa la sheegay in uu khudbad u jeediyay xildhibaanada Georgia isaga oo garab fadhiyay Afhayeenka Baarlamaanka.

Dalkaan ayaa hore uga mid ahaa wadamadii hore uga tirsanaa Ruushka ee la odhan Jiray Soviet.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this