Deeq A. Posted June 22, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Illaa 126 xubnood oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, balse ka soo goostay ayaa tababar dhaqan celin ah loogu xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xubnahan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa sidoo kale la baray farsamooyin kala duwan oo ay ku maareyn karaan noloshooda. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Jarmalka, hay’adda IOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya. Munaasabad qalin jabin ah oo QM ay u sameysay dhalinyaradaasi ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxdii ka hadashay xafladda ayaa kula dardaarmay xubnaha horay uga soo tagay Al-Shabaab in ay ka fakiraan Mustaqbalkooda, islamarkaana ay kor u qaadaan aqoontooda, si ay helaan nolol dhaanta tii hore. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furan dhowr xarumood oo lagu sii hayo Dagaalyahanada isaga soo baxa Kooxda Al-Shabaab, si in muddo loola socda dhaq dhaqaaqooda. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ka fuliyaan weeraro khasaaro geysta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites