Deeq A. Posted June 22, 2019 Kampla (SMN) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay in haatan saraakiil cusub oo Boolis ah ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidamada AMISOM. Taliye ku xigeenka qeybta nabadda ee ciidamada Booliska Uganda Benjamin Namanya ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay 160 sarkaal u soo direyso gudaha Soomaaliya,. Namanya ayaa sheegay in saraakiishani oo haatan tababar uga socdo xerada Kabalye ee dalkaasi Soomaaliya ay soo gaari doonaan bisha July ee soo socota. Sababta ka dambeyso in Uganda ay saraakiil cusub u soo dirto Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe lagu yareynayo Milatariga AMISOM ee haatan joogo gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jiro qorshe guud oo lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM, si ay guud ahaan ciidamada dowladda ula wareegaan amniga dalka. Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo askarta ugu badan ee ka tirsan Ciidamada AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u soo dira ciidamo ku socda magaca howgalka AMISOM sanadkii 2017-kii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites